Baydhabo(INO)- Dhakhaatiir caaan ah oo Ka halgasha Isbitaalada magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya isla markaaana uu horkacaayo Safiirkii hore ee Soomaaliya Ee Dalka Turkiga Danjire Maxamed Mursal ayaa waxay isbitaalka Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ay ka fuliyeen Baritaano Caafimaad oo kala duwan iyadoona ya ka faa’ideysteen ilaa iyo 500 oo ruux.
Dhakhaatiirtan ayaa waxa ay baaritaano ku sameeynayeen isla makaana ayna daaweynayeen; Indhaha, Cuduradda Guud ee Caruurta iyo Cuduradda Haweenka isla markaana waxay dadka siinayeen daawooyin lacag la’aan ah.
Xuseen Axmed Mursal oo ka mid ah dadkii ka faa’ideystey Baritaanada takhtaarita ay wadeen ayaa u sheegey Laanta Afka Soomaaliga Ee VOA-da inuu dhawaanahan la daala dhacayey qandho iyo weliba cad yar oo hilib ah oo ku yaallo Ishiisa waxa kale u tilmaamey in takhaatiirta ay u sameeyey Baritaano caafimaad.
“ Waxaa la ii sameeyey Baritaano, waxaan la xanuunsanahay cad yar oo hilib oo ku yalla isheyda, waxay takhaatiirtu ay i siyeen Goojo aan isaga shubo, Baritaan wanaagsan ayuu ahaa” ayuu yiri Xuseen Axmed Mursal.
Sidoo kale Faadumo Maxamed C/raxamaan oo ka mid ah shaqaallaha Isbitaalka Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegtey in Cuduro kala duwan oo dhib badan takhaatiirtu ay ka daawooyeen Shacabka Magaalada Baydhabo isla markaana ay u aadi lahaayeen magaalada Muqdisho
Danjire Maxamed Mursal ayaa sheegey in Magaalada Baydhabo ay u yimaadeen arimo samafal isla markaana waxa uu sheegey inay jiraan wax yaabo kale oo loo baahan yahay in wax laga qabto isla markaana la caawiyo bulshada tabaaleysan ee dhaqan magaalada Baydhabo
“waxaan u imaaney Arimo samafal ah, takhaatiirtan waxay fuliyeen baritaano Caafimaad oo kala duwan, waxaa jiro wax yaabo kale oo u baahn in wax laga qabto oo ay ka mid tahay arimaha bulshada, Dadka oo dhan siyaasad ayey ka hadlayaan , waxaa loo baahan yahy in la helo dad u taagan wax u qabashada bulshadda” ayuu yiri Amb. Maxamed Mursal.
Ugu dambeyntii, Danjirihii hore ee Soomaaliya ee Dalka Turkiga Maxamed Mursal ayaa ugu baaqeey, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya ay wax ka qabato arimaha Bulshada iyo in wax uun ay sameeyso.
Halkan Ka Dhageyso Warka Wariye Mukhtaar Catoosh
Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo.