Shirka wada tashiga oo maanta la soo gaba gabeynayo iyo war murtiyeed laga soo saarayo

0
243

Muqdisho(INO)— Shirka wada tashiga ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee Soomaaliya sanadka 2016 ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, kadib markii shalay uu hakad ku yimid, isla markaana uu soo food-saaray caqabado.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ee qeybta ka ah shirkan wada tashiga ay dadaalo ka dhex wadeen madaxda shirka ka qeyb galeysa, isla markaana ku qanciyay in la gaaro is afgarad, si horay loogu sii socdo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shalay shirka ka baxay lagu qanciyay inay ku soo laabtaan, lamana oga inay ka soo dabceen go’aankooda ay shirka uga baxeen oo ay ugu weyneyd in aanay la fariisan karin Maamulka Galmudug oo ay sheegeen in dhismihiisa dastuurka waafaqsaneyn

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya C/salaan Caato oo saaka la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in shirka maanta la soo gaba gabeyn doono, Madaxda ay dhamaan joogaan, wada hadalna uu socdo, isla markaana uu dhowaan ay ka soo bixi doonaan go’aamo.

Kulamo gaar gaar ah ayaa tan iyo xalay ka socday Xarunta Madaxtooyada oo ay Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay yeelanayeen, waxaana kulamada qaar wehliyay kuwo Xildhbaanada ka soo jeeda maamuladooda ay la yeelanayeen, kuwaasoo ahaa wada tashi.

Beesha caalamka ayaa ku cadaadineysa madaxda Soomaalida inay u diyaar garoobaan doorashooyin ka dhaca Soomaaliya sanadka 2016-ka, isla markaana la helo wadadii loo mari lahaa.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here