Muqdisho(INO)— Xukuumadda Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay tacadiyada Israel u geysaneyso Masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa ee ku yaalo dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, kuna qornaa afka Carabiga ayaa lagu cambaareeyay ficilada Israel ay ku heyso dadka Muslimiinta ah.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Israel ay si xoog ah ku galeen, ayna hareereeyeen Masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa, taasoo ay sheegeen inay sii kordhin karto colaada ka taagan Bariga Dhexe.
Sidoo kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada ay sii hurin karto xaalada Gobolka, gaar ahaan falalka cadawtooyada ku saleysan ee ay qaado Israel.
Waxaa ay sheegtay in xadgudubyada ay geysaneyso Dowladda Tel Aviv Israel ay yihiin kuwo xad dhaaf ah, isla markaana wiiqeysa wada xaajoodka nabdda ee u dhaxeeya Falastiin iyo Israel, si ay xal dhameystiran u gaaraan labada dhinac.
Ugu dambeyn Xukuumadda Soomaaliya ayaa si cad u cambaareysay siyaasada Israel ee ku dhisan dilka, xariga iyo baqdin gelinta dadka reer Falastiin, waxaana lagu qeexay qoraalka inuu siyaasada Israel ay tahay mid fashilan.
Xukuumaddaha Carbeed ayaa dhif iyo naadir ah inay ka hadlaan xadgudubyada ay Israel ka geysaneyso dhulka la heysto ee reer Falastiin, waxaana warkan ka soo baxay dowladda Federaalka loo arkaa mid geesinimo leh.
Idale News Online, Muqdisho