Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid tahay qorshaha wada tashiyada socda oo Soomaali oo dhan ay qeyb ka yihiin, isagoo xusay in meel fiican ay marayaan wada hadaladii horay u socday.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mabda’a ahaan Somaliland ay qeyb ka tahay howshan bilaabatay, waxaana uu tilmaamay sida duruufaha ugu ogolaadaan ay uga mid noqon doonaan.
“Howshan aan bilownay, waxaan dhahnay waa wax ay Soomaali oo dhan ay ku jirto, dabcan Somaliland walaalaheena mabda’a ahaan howshan waa ka mid, hadba wixii fursad u helno ayay uga mid noqonayaan iyo sidii ay duruufuhu noogo ogolaadaan, waa ka wada shaqeyn doonaan”ayuu yiri Madaxweynaha
Mar uu soo hadal qaaday wada halkii u dhaxeeyey Somaliland iyo dowladda Federaalka ayuu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso, isla markaana hada loo gudbayo waji cusub sida uu yiri
“Arrinta wada hadalka ee horay u socotay meel fiican ayay mareysaa hada ayay waji cusub u soo gudbeysaa rajadeeda aad iyo aad ayay u fiican tahay, midaan hada socota mar walba wixii soomaaliya iyo soomaalida u daneynayo waa ka wada shaqeyn doonaa”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo ka hadlayay mad madowga hada ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, ayuu tilmaamay in waxyaabaha qaar ee la isla fahmi waayo ay dib u dhiganayaan, ayna ka wada hadlayaan waqti kale ee ku haboon.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka wada tashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho uu qof kasta oo Soomaali looga baahan yahay fikirkiisa iyo taladiisa, si ay la talay, hadii mid wanaagsan ay noqota ay la qaadanayo sida uu yiri.
Dhinaca kale Shirka wada tashiga ee looga hadlayo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta sanadka 2016 ayaa hada waxaa soo food-saaray caqabad, kadib markii Madaxda ka qeyb qaadanaysa ay isku khilaafeen qodobda qaar oo ay ugu weyn tahay qaabka ay ku imaan karaan Xildhibaanada cusub iyo arrimo kale oo dhowr ah.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa isaga baxay shirka, kadib markii ay tabasho ka keeneen qaabka dowladda Federaalka wax u wado iyo arrinta Galmudug, waxaana dib u dhac ku yimid war murtiyeedkii la filayay in shalay oo Axad aheyd laga soo saaro shirka, lana soo gaba gabeeyo.
Idale News Online, Muqdisho