DEG DEG: Ciidamo Liyuu Boolis Oo Lagu Daabulay Galgaduud iyo Dagaal Laga Baqayo

0
239

Guracel(INO)-Wararka aynu ka helayno gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in ciidamo Liyuu Boolis ah lagu daabulayo deegaanno dhawaan lagu dagaallamay, iyadoo xiisad dagaal ay jirto.

breakingIdaleNews

Wararka aynu helnay waxay sheegayaan in ciidamadaan oo aad u qalabeysan ay gaareen halkaasi, waxaana ay doonayaan in deegaano cusub ay ku dhaqaaqaan.

Mid ka mid ah dadka ku sugan halka Ciidamadaan la keenay ayaa inoo sheegay in xaaladda ay tahay mid cakiran, lagana yaabo in dagaal uu dib u qarxo.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa laayay dad badan oo shacab ah, iyadoo dhanka kale xusid ay mudan tahay in magaalada Jigjiga ay ku maqan yihiin wafdi ka socda dowladda Federaalka.

Idale News Online, Guracel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here