Gudoomiye Ku Xigeenka Dhanka Arimaha Bulshadda Ee Gobolka Bay Oo Ka Hadley Magacaawistiisa iyo Hawlaha Horyaala

0
268

Baydhabo(INO)-Gudoomiye Ku xigeenka Cusub Ee  Dhanka Arimaha Bulshada Ee Gobolka Bay Mudane  Faysal Cabduqaadir Faysal oo dhowaan loo magacaawey xilkaasi ayaa ka hadley magacaawistiisa iyo weliba dar-dar galinta Hawlaha Shaqadda Ee Gobolka Bay.

Ugu  horeyn wuxu u mahad celinayay Shacabka Weynaha KG Soomaaliya  gaar ahaan Kuwa ku dhaqan Gobolka Bay sida ay usoo dhoweeyeen magacaawista Maamulka cusub Ee Gobolka Bay Oo Dhawaan ku dhawaaqdey Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Dowladda KGS.

Faysal, ayaa balan qaadey arimo badan oo uu  wax ka qaban doono isla markaana la xariira dhanka arimaha bulshada Ee Gobolka Bay, Waxana uu ka codsadey bulshadda Gobolku  inay la shaqeeyaan Maamulka Cusub Ee Gobolka Bay.

Gudoomiye Faysal Oo  hadalkiisa Sii wata ayaa sheegey in uu waxyaabo badan ka qaban doono arimaha bulshada Ee Gobolka Bay, oo asaga loo xilsaarey sida dib usoo celinta fanaaniinta taariikhda ku lahaa Gobolka Bay oo hada qurbaha iyo gobolada qaar kunool.

Sidoo kale Gudoomiyahu wuxu tilmaamey inuu ku daalayo  Isku xirka Ururada Dhalinyarada, Haweenka, Aqoonyahanada iyo dhamaan wixii arimo bulsho ka shaqeeya oo ay ka mid yihiin hay’adaha maxaliga ah  isla markaana Waxaa uu tilmaamey inuu  kaashanayo Bulshada iyo Dowladda  KGS.

Ugu  dambeyntii Maamulka cusub Ee Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Oo Dhawaan la magacaawey ayaa waxa  laga dhex arkayaa Ragg caan ku ah Gobolka Bay  isla markaana  La Soo Shaqeeyeen Hay’ado Caalami ah, waxaan la tuhunsan yahy inay wax badan ka bedeli doonaan Amniga, Arimaha  Horumarinta Gobolka , wax kaqabashadda Arimaha bini’aadanimada ,Caafimaadka  iyo Weliba Waxbarashadda Gobolka Bay.

Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here