Midowg Yurub Oo 6 Milyan Oo Doolar Ugu Deeaqay DF Soomaaliya

0
258

Muqdisho (INO) — Midowga Yurub ayaa sheeciyay Deeq Laceeg oo gaareyso 6 Milyan oo Doolar uu siin doono Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana la ogeyn balanqaadkan inuu hergeli doono.

Teaser Image Midowg Yurub oo 6 Milyan oo Doolar ugu deeaqay DFSLacagtan Deeqda ah wuxuu ugu magacdaray Midowga Yurub “Stability Fund” oo lagu caawinayo Maamulada Maxaliga ah, Kaabiyaasha dhaqaale & Nolosha Dadka ku nool Degmooyinkii laga saaray Al shabaab ee Koonfurta & Bartamaha dalka.

“6 Milyan ee aan ugu deeqnay DFS waxaan doonaynaa In lagu xoojiyo, laguna taageero Maamulada dhisamaya & Wax soo saarka Gudaha waxay aas aas u yihiin hanaanka nabad & degenaansho kusoo dabaalida dalka Soomaaliya,” sidaasi waxaa yiri Madaxa EU Somalia Michele Cervone d’Urso.

Wuxuu sheegay in Midowga Yurub oo Naf-dhabar u yahay Horumarka dalka Soomaaliya, isagoo xusay inay taageero siiyeen Maamulada Axmed Madoone & Shariif Xasan, sidoo kalena ay caawin doonaan midka Gobolada Dhexe.

“Midowga Yurub waa Saaxiibka ugu weyn ee Somalia ka caawinaya Horumarka, soo celinta Nabada & dhismaha Maamulo Gudaha ah, waxaana DFS ka caawinaa arrimaha diblomaasiyadda,” ayuu yiri Michele Cervone d’Urso.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here