Jilib (INO) –– Sheekh Xasan Turki oo kamid ahaa Aas aasiyaasha Kooxda Al shabaab ayaa geeriyooday, kadib markii uu in mudo ah xanuunsanayey.
Sheekh Cabdullaahi Xirsi (Xasan Turki) oo 73 Sano jir ahaa, ayaa Mudo badan ku jiray Gacanta Al shabaab, markii uu awoodi waayay inuu Kooxda isaga baxsado.
Kahor inta aan Al shabaab laga saarin Degmada Baraawe, Xasan Turki Degmadaasi ayaa lagu hayay isagoo aad u xanuunsan, markii ay ka baxeen Magaalada waxay u qaadeen Deegaanka Hargeysa Yarey oo u dhaw Degmada Jilib, halkaasi oo uu Xalay ku dhintay.
Sheekh Xasan Turki waxaa uu caan ku ahaa Tababarka Dagaalyahanada Al shabaab, wuxuun sidoo kale qeyb ka ahaa raggii aas aasay Kooxdii burburtay ee Raas Kambooni.
Sheekha Xasan Turki wuxuu ku dhashay Deegaanka Qabri Dahar ee Ismaamulka Soomaalida dalka Ethiopia Sanadkii 1942.
Idale News Online – Jilib