Muqdisho(INO)-Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa laga rabaa in ka hor sannadka nagu soo aadan ay dalka oo dhan ka fuliso tiro koob guud oo lagu sameeyo Shacabka Soomaaliyeed, Dibu eegista Dastuurka dawladda Soomaaliya, Xaduudaha kala xadeyntooda iyo arrimo muhiim ah oo ku aadan gaarista doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa hada bilowday qorshayaal muujinaya in ay ku fashilantay hagida howlaha muhiimka ah ee dalka, gaar ahaana arrimaha la xariira Hiigsiga doorasho ka dhacda Soomaaliya.
Wasaaradda Qorsheynta iyo Xariirka caalamiga ah ee dawladda Faderaalka oo Raysalwasaare Cumar uxilsaaray diyaarinta qorshayaasha la xariira gaarida doorashada sannadka nagu soo aadan laga filayo Soomaaliya, ayaa hada ka leexatay qorshahaas, waxa ayna bilowday mawjado siyaasadeed oo dib loogu soo celinayo khilaafaadyo udhaxeysa Madaxda dawladda Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho