Guddiga Farsamada Maamul U Sammeynta Gobollada Dhexe Oo Shaqo Joojin Ku Hanjabay

0
221

Muqdisho(INO)-Idaacadda Ku taala Magaalada Muqdisho ayaa sii deysay in Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ay ku Hanjabeen in ay joojinayaan Shaqada haddii aan wax laga qaban dhaliilo ay tabanayaan.

Guddigan ayaa sheegay in aysan helin Wax Xuquuq ah muddadii 9-ka bilood ahayd ee ay ku shaqenayeen, taasina ay qeyb ka tahay Arrinta ay Shaqada ku joojinayaan.

Xubno ka mid ah Guddiga Farsamada ee Maamulka Gobollada dhexe ayaa sheegay in Sababaha ay Shaqada u joojinayaan ay ka mid tahay farogelin lagu hayo shaqada ay ku magacaaban yihiin, inkastoo aysan Caddeyn Cidda Faro-gelinta ku haysa.

Magaalada Cadaado oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu ka Furay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa hadda waxaa ka socanaya soo Xulista Ergada ka qeybgeleysa Shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here