Dhageyso Wareysi:Boqorka Beesha Hawiye Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dowladda Koonfur Galbeed iyo Puntalnd

0
244

Muqdisho(INO)-Boqorka Beesha hawiye Boqor Cabdi Axmed Cali  ayaa waxaa uu weerar afka ah ku qaaday Maamulka puntalnd  ka dib markii mas,uuliyiin ka tirsan maamulkaas   shirk u qabteen Magaalada Gaal kacayo ee xarunta Gobolka Mudug iyagoo ka soo horjeestay Maamul usameynta  Gobolada Mudug iyo Gal Gaduud ee bartamaha soomaaliya.

hawiye

Boqorka  ayaa waxaa uu intaas ku daray in Maamulka puntalnd ay doonayaan in wax lagu qeebsado 4.5 Maamul usameyunta Gobolada dhexe ee soomaaliya hadana ay ka soo horjeedaan in deegaanada ka tirsan Mudug laraaciyo Maamulka Gobolada dhexe.

Arintaas ayuu ku tilmaamay maah maahda ah Lafta jecliyaa Luda jecliyaa oo loola jeedo hilibka waa jaclahay in kaligiisa aan cuno markale waxaan jaclahay maraqa kaligiis.

Waxaa uu yiri waxaas wax soo roobaya ma,ahanee adeer  ha ogaadaana ree puntaland in laga yeeleynin waxa ay wadaan.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay deegaanka Jaziira ee hada muranka ka taagan yahay ee u dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda  Koonfur Galbeede ee soomaliya ee isku haysta sohdinta labada gobol.

Waxaa uu sheegay in maamulka koonfur galbeed ay ku jiraan fadhibarad aysan gaarin waqtigii ay sameynsan lahaayeen sohdin.

Waxaa uu  yiri waxaa loo baahan yahay in marka hore ay soo dhameystiraan maamulkooda ka dibna ay ka hadklaan halka sohdin u ah inta ka horeysa ayaa waxaa uu sheegay in warba u furneen Dowladda KGS.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here