Jubbada Hoose: Kenya oo Cirka iyo Badda ka “Duqeysay” Jaziiradda Kudhaa

0
283

Kudhaa (INO) — Ciidanka Kenya ayaa Duqeymo dhanka Cirka iyo Badda ah ka geestay Jaziiradda Kudhaa, ee Gobolka Jubbada Hoose oo Tacadiyo ka wadaan tan iyo 2012-kii.

Teaser Image Jubbada Hoose: Kenya oo Cirka iyo Badda ka “Duqeysay” Jaziiradda Kudhaa

Wariye ku sugan Kismaayo ayaa Idale News Online uu sheegay in 12-kii Saac ee lasoo dhaafay ay Ciidanka Kenya ka fuliyeen Duqeymo xoogan oo Cirka iyo Badda ah Kudhaa, kadibna Al shabaab ka saaray Deegaankaasi.

Jaziiradda Kudhaa oo 130Km dhanka Galbeed uga beegan Kismaayo ayaa Maanta iska-horimaad la’aan si buuxda dib ula wareegay Ciidanka Kenya iyo Maleeshiyada Axmed Madoobe oo Bishii Octoober Dagaal looga soo saaray.

Al shabaab ayaa wali ku sugan Deegaanada kale ee ku dhaw Kudhaa, oo la sheegay inay iska soo abaabulayaan, si ay Weerar rogaal celis ugu soo qaadaan Deegaanka oo Muhiim ah, marka laga hadlayo Dhoofinta Dhuxusha.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here