Muqdisho(INO)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa muujiyay cadaalad darada ka jirta dalka Soomaaliya iyo sababta dalka uu uga bixi la’yahay dhibaatada.
Dalxa wuxuu sheegay dalka Soomaaliya oo cadaalad rasmi ah laga helaa macnaheeda inay tahay in la helaayo dowlad adag oo dalka dhan maamusha, balse cadaalad darada dalka ka jirta awgeed inay tahay sababta loo heli la’yahay Dowlad sal adag leh.
Maxamed Cumar Dalxa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay ku dhaqanka iyo ka hirgalinta cadaalad iyo sinnaan si loo helo dowladnimo sax ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ku taamayaan.
Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dowladda Federaalka Soomaliya ayuu sheegay inay imaan karto marka la helo cadaalad rasmi ah oo Bulshada si siman u wada deeqda.
Madaxda dalka ayuu ugu baaqay in looga baahan yahay in mar walba ay u caddaalad falaan dadka Soomaaliyeed si nidaam rasmi ah loo helo, balse aysan wanaagsaneyn in cadaalad daro lagu dhaqmo.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeyaa inaysan cadaalada ku dhaqmin oo xabsiyada dalka waxaa ku jira dhalinyaro badan oo aanan wax dambi ah geysan, sidoo kalena maxkamada aysan xukumin.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan kala diray Golihii adeega Garsoorka dalka Soomaaliya, dalkana hada malahan Gole adeeg Garsoor oo si rasmi ah u shaqeeya.
Idale News Online, Muqdisho