Dhuusamnareeb (INO) — RW Cumar C/rashiid iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Booqasho aan horey loo shaacin waxa uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Gobolka Galgaduud.

RW Cumar C/rashiid ayaa la filaya inuu soo xiro Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha dega Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb, si loogu gudbo Shirka Cadaado ee Maamulka Gobolada Dhexe lagu dhisayo.
Wararka Idale News Online& Radio Idale heshay ayaa sheegaya in RW Cumar C/rashiid uu tagi doono Magaalada Guriceel, oo Dagaalka xoogan uu ku dhex maray Ahlu Sunna iyo Ciidanka DFS, balse Maalin kahor ay gaareen Heshiis Xabad Joojin ah kadib markii Wasiirka Difaaca DFS C/qaadir Diini u dhexgalay.
Gobolka Galgaduud waxaa ka socda u diyaar garowga Shirka Cadaado oo Maamul Goboleed loo dhisayo Shacabka Galgaduud iyo Mudug, iyadoo Olole ay samaynayaan Musharaxiin ku dhaw 10 oo tagay Deegaanada Goboladaasi.
Idale News Online – Dhuusamareeb