Muqdisho(INO)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Soomaaliya, oo isugu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano, Sidoo kalana kulanka ka qayb galay wafdi ka socday Dawlad Goboleedka khaatumo uu Hogaaminayey MD Cali Khaliif Galaydh.
Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka ee Dawlada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac ( Jengeli ) oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada wadahadaladii Turkigu aysan ahayn kuwo gorgortan gelinayay midnimada Dalka Soomaaliya, balse ujeedada loo qabtay ay ahayd sidii maamulka Hargaysa loogu qancin lahaa inay kasoo laabtaan fikirka Gooni-isutaaga ee ay sheegaan.
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Hargaysa uu cabudhin ku hayo shacabka ku dhaqan gobolada woqooyi ee dalka, waxaana uu sheegay in maamulka Hargaysa oo aan cago adag ku taagnayn inaan loo daba fadhiisan doonin midnimada Soomaaliya, ayna soo dhamaatay waqtigii la qancinayay, isagoo carabka ku adkeeyay in Qaramada midoobay, midowga Yurub iyo wadamada islaamkuba danaynayaan midnimada Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Muqdisho