Ciidamada Dowladda oo gaari dagaal looga gubay dagaal xoogan oo ay maanta la galeen Al Shabaab.

0
190

Gaari dagaal ayaa waxaa maanta laga gubay Ciidanka Xooga Dalka, kadib markii ay dagaal xoogan ku soo qaadeen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ee Gobolka Baay ka dagaalama.

Xoogaga Shabaab, ayaa deegaanka Buur Madow u galay gaadiid ay wateen Ciidamada Dowladda, oo ka soo dhaqaaqay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana halkaasi ku dhex maray dagaal xoogan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo weerarkaan lagu soo kediyay, ayaa waxaa looga gubay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka, iyadoo ay dhinteen laba ka mid ah Ciidamada Dowladda, halka kuwo kalana ay dhaawacmeen.

3 ka mid ah dhaawacyada Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la gaarsiiyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoona lagu daaweynaayo Isbitaalka weyn ee Baydhabo.

Ciidamadii Dowladda ee wadada loo galay, ayaa wuxuu gurmad kaga yimaaday Ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaanka Daynuunaay, kuwaa oo suurta galiyay in la ceyriyo Xoogaga Shabaab.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya, ayaan wax war ah ka soo saarin dagaalka xoogan ee maanta ka dhacay deegaanka Buur Madow, oo ku yaala inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Buurhakaba.

Ciidamada Dowladda

Idale News Online.