Caruur yaryar oo Somali ah oo kunol xerada qaxootiga ugu weyn aduunka ee Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa fariimo dhiira galin ah udiray caruurta qaxootiga ah ee dalka Suuriya eek u jiro xeryaha dalka Urdun.
Da’yartan soomalida ah ayaa ku nool xerada qaxootiga ee dunida ugu ballaaran ee Dhadhab ee ku yaalla woqoyiga dalka Kenya, halkaas oo ay ku nool yihiin in kabadan 400,000 oo qoxooti ah, badankodu waxa ay kasoo carareen dagaalo, abaaro iyo cunta yari kajirtay wadanka Somalia 23-dii sano ee ugu dambeysay.
Haayadda caalimiga ah ee loo yaqaano Care International, ee ugu dadka qaxootiga ah siiso gargaarka aasaasiga ah, ayaa qabanqaabisay in caruurtaa soomaalida ah ay qalinka kula saaxibaan kuwa Suuriya ee ku nool xerada gaxootiga Urdun.
Caruurta Soomaalida ah ayaa soo jeediyay fariimo midnimo, wada jir iyo waano ah oo ay u direen walaalohoda dalka suuriya.
Badankood waxaa ay kahadleen muhiimada waxbarashada iyo cilmiga ee xerooyinka intey joogaan.
Caruur yaryar oo Somali ah oo kunol xerada qaxootiga ugu weyn aduunka ee Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa fariimo dhiira galin ah udiray caruurta qaxootiga ah ee dalka Suuriya eek u jiro xeryaha dalka Urdun.
Da’yartan soomalida ah ayaa ku nool xerada qaxootiga ee dunida ugu ballaaran ee Dhadhab ee ku yaalla woqoyiga dalka Kenya, halkaas oo ay ku nool yihiin in kabadan 400,000 oo qoxooti ah, badankodu waxa ay kasoo carareen dagaalo, abaaro iyo cunta yari kajirtay wadanka Somalia 23-dii sano ee ugu dambeysay.
Hibo Mohamed oo kamid ah caruurta somaaliyeed oo fariimaha diray ayaa qortay “Waxaan hubaa 100% in hadii aad waxbaratid oo aad dadaashid ugu dambeynti liibaani doontid, waxaan kuu sheegayaa in aadan rajo beelin, maxaa yelay 3 sano kaliya ayaad qaxooti tahay. Maxad u maleysay dadkii 20 sano kabadan qaxooti so ahaa?
Waxaa Warqadaasi Qortey Hibo.
Mid kamid ah Waraaqihii la direy
Waa Abshir oo gacanta ku haya Warqadii uu qorey oo sida hoose u qoran
Waa Warqadii uu Abshir direy
Waa Sahro Daahir oo gacanta ku heysa warqadii ay u dirtey walaaleheed Suuriya
Jawaabta Suuriya
Caruurta qaxootiga ee Suuriya ayaa la gaarsiiyay dhammaan warqadihii ay qoreen caruurta Somalida ah eek u nool xeryaha Dhadhaab, waxaana warqad kastaa la socday sawirka ardeyga qoray.
Fariimaha si wanaagsan ayaa loo gaarsiiyay da’yarta Suuriya, ayay Tiri hay’adda Care international, wuxuuna intaa ku daray in caruurta Suuriya ay soo qorayaan jawaabta lana soo gaarsiin doono xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
Waa Caruurta suriya oo la gaarsiyey waraqiihii loo soo direy
waa mid kamid ah Waraaqihii la direy
Xigasho: BBCsomali
Idale News Online,