War deg dega ah: Hogaamiyaha KMG ee Jubooyinka Axmed Madoobe oo qarax lala beegsaday

0
226

hoolka-shirka-baarlamaanka
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo uu saarnaa hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubbooyinka Axmed Maxamed Islaan (axmed Madoobe).

Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur, waxaana wararku sheegayaan in faahfaahin rasmi aan laga heyn.

Waxaa wararku ay sheegayaan in rasaas laga maqlayo magaalada gudaheeda.

Isgaarsiinta magaalada ayaa go’an hadda.

Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay Kismaayo kadib markii uu ka laabtay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay, halkaasi oo uu kula kulmay xubno ka tirsan dowladda federalka.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan waxa uu heshiis magaalada Addis Ababa kula galay dowladda federalka ee Soomaaliya oo muddo khilaaf u dhaxeeyay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa ku sugan ciidamada Kenya oo ka saaray al-Shabaab halkaasi iyo xoogag u daacad ah Axmed Madoobe.

BBC

Idale News Muqdisho