Wararkii dheeraad ah oo aan Gowr dhow ka helnay Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe uu ahaa mid aan horay uga dhicin gayiga Somalia iyadoona loo adeegsaday qalab aan horay loogu arkin Dalka Somalia markii laga reebo
Dhicida Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Xilli Axmed Madoobe loo galbinaye madaxtooyada Magaalada Kismaayo gaadiidka lagu galbinayane ay marayeen meel ku dhaw halka loo yaqaan aargada ayaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku miidaamiyay gaadiidka Axmed Madoobe.
Goob-jooge ayaa shabakadda u xaqiijiyay in inuu jiro Khasaare xoogan oo soo gaaray Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Kismaayo iyo Ciidan badan, waxaana lagu soo waramaaya in Khasaaraha uu kor usii dhaafayo 50-Ruux.
Sidoo kale, Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe uu ka bad-baaday weerarkaasi ismiidaaminta ah ee lagu qaaday,laakiin dad Axmed Madoobe ku dhaw-dhaw ay ku dhaawacmeen weerarkaasi halka qaarna ay geeriyoodeeen, iyadoona dadka kale ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu dhaawac kasoo gaaray Madaxa.
Ugu dambeynti Waxaa xiligaani kacsan Xaalada Magaalada Kismaayo,waxaana guud ahaan Magaalada laga maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan oo ay ciidanka ay ridayaan,sidoo kale waxaa magaalada laga saaray isgarsiinta.
Idale News Muqdisho