R/Wasaare Saacid oo Muqdisho kula kulmey Xoghayaha Guud ee IGAD Mr Maxbuub iyo Jeneraal Gabre

0
227

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday urur goboleedka IGAD, kuwaasoo booqashadooda ay la xiriirto qiimenta arrimaha Jubooyinka.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa, saxaafadana ay dibad joog ka aheyd ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha Jubooyinka, gaar ahaan doorashadii ka dhacday Kismaayo ee loogu doortay Labada Madaxweyne.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Maxbuub Macalin oo xoghayaha guud ee IGAD, Jen Gabre oo ahaa Taliyihii Ciidamadii Itoobiya ee Soomaaliya soo galay sanadkii 2006-dii, balse ah Ergeyga Itoobiya ee IGAD, Safiirada dalalka ku bahoobay IGAD oo uu ku jiro Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Booqashada wafdigan ayaa horay lagu go’aamiyay shirkii Madaxweynayaasha IGADF ee dhacay 3-dii Marso, waxaana u jeedka waftigaan uu yahay sidii ay war bixin uga diyaarin lahaayeen arrimaha gobolada Jubooyinka, iyagoo horgeyn doona waxyaabaha ay kala soo kulmaan shir madaxeedka IGAD ee dhamaadka bishan ka dhacaya Addis Ababa.

Ugu horayntii Eng. Maxbuub Macalin ayaa ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda ay ku yimaadeen magaalda Muqdisho.

“Sidaan la socono Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay IGAD, waxaana loo asaasay ururkan arrimaha horumarka dalalka ku bahobay dalada IGAD, imaatinkayguna wuxuu jawaab u yahay dalabkii madaxweynayaasha IGAD ee shirkoodii aan caadiga ahayn ee ay ku yeesheen magaalda Adis-Ababa horaanta bishaan. Ilaa iyo intii aan soo gaarnay Muqdisho waxaan kulamo la yeelanay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaase muhiimad gaar ah noo leh kulankaan aan la qaadanayno Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS” ayuu yiri Eng, Maxbuub.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta oo qayb ka ahaa kulankii maanta ayaa sheegay in ay dowladu u gudbisay gudiga ka socda wadamada IGAD mowqifkeeda ku aadan xasilinta dalka iyo maamul u samaynta gobolada, dowladuna ku salaynayso qorshaheeda war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 21-aad ee ay isugu yimimaadeen madaxweynayaasha urur gobleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis-Abab 3-da May.

Ugu danbayn shirkan ayaa waxaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo xubnaha ka socday ururka IGAD ay sheegeen inay markasta diyaar u yihiin inay tixgalinayaan dastuurka dalka ayna ilaalinayaan midnimada Soomaaliya.


Idale News Online Muqdisho