Muqdisho(INO)-Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Seikh maxamuud ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madxweynaha dalka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay xalin doonaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Wuxuu sheegay in khilaafka madaxda dalka uusan aheyn mid shaqsiyadeed laakiin ay isku qabteen arimaha howlaha dowlada iyo siday u socon lahaayeen
Dhanka kale wuxuu madaxweynaha dalka ka hadlay fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya ee buuqa kusoo dhamaaday labadii kulan ee lasoo dhaafay.
Madaxweynaha wuxuu sheegay inaan loo baahneyn in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee qaba dareen gaar ahaaneed aysan fowdo ka kicin xarunta baarlamaanka si aan loo baajin howlaha dalka loo hayo, sida uu hadalka u dhigay.
Idale News Online, Muqdisho