Dhageyso:Danjire Kay oo sheegay inuu raali gelinaynin xildhbaanada Soomaaliya

0
213

Muqdisho(INO)-Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuusan raali gelin ka bixineynin warqad uu horay kaga soo saaray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

nicholeKayPuntland

Danjiraha  gaar ah ee xogahaya guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay  ayaa ka jawaabay baaqii ka soo yeeray mudanayaasha golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya oo ahaa in Danjire Kay uu raali galin ka bixiyay warqad ka soo baxday xafiiskiisa oo lagu sheegay in qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaateen laaluush si ay u ridaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

Halkan Ka Dhageyso

Isagoo ku sugan dalka Denmark oo lagu soo gaba gabeeyay shirka New Deal ayaa waxa uu sheegay in uusan wax raali galin ah ka bixin doonin hadalkiisii hore ,wuxuu sheegay in waxyaabaha uu ka walaacsanaa ay  haatan muuqdo.

Hadalka ka soo yeeray Danijire Nicholas Kay  ayaa ka danbeysay kadib markii qaar ka tirsan mudanaayasha Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen in uu raali galin siiyo.

Idale News Online, Muqdisho