XOG XASAASI AH:NISA OO QORSHE UDEJISEY DOORASHADA IYO 9 MALYEN OO MUQDISHO SOO GAARTEY.

0
342

Qaar kamid ah warbaahinta madaxbaan ayaa ogaatey Qorshe halis ku ah Doorashada lafilaayo in ay ku qabsoonto Dalka Soomaaliya dhamaadka Sanadkan 2020.
Ilo wareedyo ku dhow dhow villa Siomaaliya ayaa sheegey in uu jiro qorshe xooga lagu saarayo soo laabashada madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qorshan ayaa lasheegey in ay soo diyaarisey Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka waxaana NISA baalan qaadey in ay xoog ku soosaari doonaan kudhowaad 245 Mudane oo isugu Jira Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta NISA CABDULLAHI DAAHIR oo loo yaqaano CABDULLAHI DHEERE ayaa lagu soo waramayaa in loo dhiibey liiska Xildhibaanada Ladoonayo in lasoo saaro waxaana lasheegey in awoodiisa loo madax baneeyey, isla markaana goob joog ka ahaan doono soo xulista ergada Beel kasta si loo hubiyo amniga iyo shaqsiga ergada noqonayo.

Cabdullahi Dheere loo xilsaarey sidii ergada aysan ugu soo dhexdhuuman laheen kooxda alshabaab wuxuuna awood uleeyahay in uu bedelo liiska ergada beesha haduu uu tuhumo magacayada Qaar.

Qorshan ayaa umuuqda Mid ladoonayo in lagu naas nuujiyo musharaxiinta taabacsan Villa Soomaaliya laguna cadaadiyo kuwa kale ee ka aragtida duwan.

Arintaan ayaa lasheegey in ay sabab utahay in madaxweyne Farmaajo Ogolaado in lasoo dedejiyo doorashada Xildhibaanada si aan fursad loo siin mucaaradka Dowlada Farmaajo.

qorshahan ayaa lasheegey in ay maalgelineyso Dowlada Qatar, waxaana xusid mudan in Teliyaha Nabad Suggida iyo Teliyaha Hogaanka Dabagalka maalmihii lasoo dhaafey ku sugnaayeen Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar.

Saraakiil sare oo si dhow ula socda qorshaha NISA oo magacooda kagaabsadey ayaa inoo xaqiijiyey in qorshahan loogu talagaley Aduun lacageed oo gaaraya Sagaal malyen (9 malyen) oo dollarka mareykanka ah, isla markaana lagu wareejiyey Teliyaha NISA iyo wafdigii lasocdey.
gabal dhicii shaley, ayaa lasheegey in garoonka Aadan Cabdulle International Airport soo caga dhigatey diyaarad sidey Teliyaha Nabad Sugida iyo Teliyaha Hogaanka Dabagalka waxaana mudo kooban la hakiyey dhaqdhaqaaqa Airportka Adan Cade.