Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD Oo Faro-Gelin Ku Billaabay Go’aankii BF Soomaaliya Ee Jubba

0
188

Muqdisho(INO)-Iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya DF Somalia iyo Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Khilaafkaasi loo gudbiyay xubnaha uguu sareeya Ururka IGAD.

IGAD somalai

Warar hoose oo aan ka helnay xubno ka tirsan Maamulka Jubba ayaa inoo xaqiijiyay in Magaalada Addis ababa uu gudaha asbuucaani ka furmaayo shir ballaaran oo ay isugu imaanayaan wasiirada arimaha dibada IGAD kaasi oo looga arrinsan doono khilaafka ka dhexeeya DF iyo Jubba.

Ujeedka kulanka IGAD ay isugu imaan doonaan ayaa ah xal ka gaarida go’aanka kasoo baxay BF Somalia ee lagu laalay BJ kaasi oo xanuun jiyay inta badan Dowladaha ku mideysan IGAD.

Kulankan oo gogoshiisu ay taalo Magaalada Addis ababa ayaa lagu wadaa inuu kasoo baxo warmurtiyeed taaban doona go’aankii baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Dhicitaanka shirka ayaa waxaa Jubba u damaanad qaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ethiopia oo isagu si aan ganbasho laheyn ula dhacsan Siyaasada guracan oo ay wado Jubba taasi oo muujineysa kala qaad-qaadka iyo qeybinta bulshada Soomaaliyeed.

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here