Warbaahinta Somaliland Oo Sheegeysa In Sheekh Shariif Iyo Faroole Lagu Casumey Munaasabadda 18 May

0
443

Hargeysa(INO)-Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland ayaa sheegtay inay Dawlada Somaliland ku casuntay dabaal-dega Maalintii la yagleelay Somaliland ayna ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteed kale Labba Siyaasi oo si aada looga yaqaan geyiga Soomaalida kuwaas oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faoole iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wargeyska lagu Magacaabo Geeska Afrika oo kasoo baxa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in labadan Siyaasi ay ilo xogogaal ah oo katirsan Madaxtooyada Somaliland ay u xaqiijiyeen in ay aqbaleen Caasumaad ay Dawlada Somaliland u dirtay si ay uga soo qayb galaan Munaasabadda 18-ka May.

Guddiga Ictiraaf raadinta Somaliland ayaa xakuumada Madaxweyne Silaanyo usoo bandhigay in labadan Masuul lagu Casumo dabaal-dego 18-ka May, wayna aqbashay Xukuumadu iyadoo markiiba u dirtay Waqad Casumaada ayaa lagu yiri qoraalo ay qoreen qaar kamid ah Warbaahinta Somaliland.

Hadii ay arintani dhabowdo waxay noqon doonta markii ugu horaysay oo Siyaasiyiin aan u dhalan Somaliland ka qayb galaan munaasabadan oo sanad walba laga xuso Somaliland, Sheekh Shariif iyo Faroole oo soo noqday Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland ayaa kamid ah murashixiinta u tartamaaya Doorashada Sanadkan ka dhici doonta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Labadan Masuul ayaan illaa iminka xaqiijin wararka sida weyn la iskula dhex maraayo.

Idale News Online, Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here