Saxiixayaasha Road Map oo dhamaantooda Nairobi looga Yeerey.

0
259

Masuuliyiinta dowlada ugu sareysa ayaa maanta u kicitimey magaalada Nairobi kulan deg deg ah oo dowlada Mareykanka Xoghayaheeda arrimaha dibadda Hillary Clinton ugu yeertey. kulankaasoo aan la ogeyn fariinta uu xambaarsan yahay laakiin wararka hordhac ah ee laga helaayo siyaasiyiin joogta Nairobi ay sheegayaan in ay jiraan  fariimo culus oo madaxdaas ku wajahan iyo  reportkii UN Monitoring Group ay ka soo saareen Somalia iyo weliba dhameystirka qariirada Roadmap ama xiliga kala guurka

Siyaasiyiin ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in fariinta ugu culus ay ku socoto madaxweyne Sharif Sheekh Axmed  iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbixintii UN-Monitoring Group ku eedeysey in ay lunsadeen hanti qaran oo malaayiin dolars ah muddooyinkii  ay xilka hayeen,  iyagoo welina dhaqaale aad u badan ku bixinaaya sidii markale loo soo dooran lahaa. Waana arrrinta soo dedejisey kulanka ay dowlada Mareykanka ugu yeertey madaxdaas dowlada Somalia ka tirsan.  Sidoo kale, xogta kale ee aan ka helayno Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey ee Nairobi  ayaa isna laga soo xigtey in ay jiri karto fariin la mid ah midii ay Jenday Frazier Madaarka Nairobi ugu gudbisey Madaxweynihii hore ee Somalia Marxum Cabdullahi Yusuf Axmed.

Warar kale ayaa sheegaya in Hillery Clinton ay kala hadli doono Qaabka Doorashada  ee Madaxweynimada , waxaana la sheegey in Dowladda Mareykanka loo direy  qoraal  lagu wargelinayo  in Doorashada loo soo diro Guddi Madaxbanaan haddii  taasi dhicin ayaa lagu yiri Qaraalkaasi  in ay  dhici karto in dib u soo laabtaan Madaxda iminka hor Boodeysa Dowladda Federaalka .

Intii uusan madaxweyne Sharif Sheikh Axmed ka dhoofin gegada diyaaraha ee Aadan Cade Airport ayaa ka gaabsadey inuu sheego ujeedada loogu yeerey dhammaan saxiixayaasha, isagoona yiri ”Wadankaan kama dhamaan  Faregelin Shisheeye hase yeeshee midkaan ka dhacayo Magaalada Nairobi ma ahan Fargelin shisheeye  ee waa mid la tashi ah oo looga arrinsanyo waxa ka qabsoomey Barnaamjikii Road Map-ka

Haddaba waxaa la yaab ama caado noqotey in masuuliyiinta sare ee dowlada Somalia maaanta iyo marar horeba sidaan oo kale looga wadan shisheeye oo hal saac  kulan aan ka badneyn loogu soo dhiibo fariintii la rabo, taasoo runtii muujineysa sida loola dhaqmo iyo ducufka madaxda sarae ee dowlada iyo heerka caalamka ka joogaan bedelkii dalkooda loogu imaan lahaa.

 

Idale News Online “INO” Muqdisho