Meleeshiyada Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Askar Kenyan Ah oo Dagaal Ay Ku Soo Qafaasheen

0
177

Jilib ( INO)-Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta meel fagaaro ah oo ku taalla degmadaasi ayuu Xarakada Al Shabaab ku soo bandhigeen 4 Askari oo Kenyan ah kuna soo qabsadeen dagaal Shalay ay Ciidamada Kenya kula galeen deegaan dhaca Xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Al Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay Meydadka 2 Askari iyo Gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkaasi.

Boqolaal Dadweyne ah oo kuwa degan degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ah ayaa ka qeyb galay Bandhiga Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo Ciidamada Kenya Saraakiishooda ay ka soo saareen Askarta iyo Meydadka Al Shabaab maanta soo bandhigeen.

Al Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ugu dambeyntii, Kenya ayaa Duqeymo Madaafiic ah oo muuqday Jawaabta weerarkaasi xalay ku garaacay deegaanka Dhamase ee Gobolka Gedo.