J/Dhexe: Faah faahin kasoo baxeysa Duqeymo Lala Beegsadey Saraakiil Alshabab ah

0
326

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo xoogan oo kadhacey Degmooyinka Bu’aale iyo Jilib oo katirsan Gobolka Jubada dhexe.

ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in duqeynta kadhacdey Degmada Jilib lagu bartilmaameedsadey Teliyihii ciidanka Jabhada Alshabaab oo dhawaan loo magacaabey in uu noqodoTeliyaha Jabhada laguna magacaabo Yaasir Jeeri.

warku wuxuu intaa kudarayaa in uu gurigiisa kusuganaa xiliga duqeynta lala beegsadey.

lama oga khasaaraha dhabta ah ee kadhashey duqeynta hase yeeshee dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in diyaarad Helocapter jawi hoose kuduulaysa ay gantaalo ku garaacdey dhanka koonfureed duleedka magaalada oo teliyaha deganaa, waxaana la aaminsanyahy in dhaawac kasoo gaarey sida ay sheegayaan saraakiil katirsan wardoonka soomaaliya.

dhinaca kale Degmada Bu’aale ayaa lagu soo waramayaa in duqeyn labaad kadhacdey, duqeynta ayaa lasheegey in lagu beegsadey madaxa Iclaamka Xarakada Alshabaab kaas oo uqaabilsanaa Filim (muuqaal) sameynta iyo Diyaarinta Barabagaanda lagu faafiyo afkaarta Xarakada Alshabaab.

Saraakiil katirsan Amaanka DF Soomaaliya oo magacooda qariyey ayaa sheegay in duqeynta lagu diley masuulka uqaabilsanaa Iclaamka Alshabaab.

majiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada sargaalkan.

xiriiro kale duwan oo dadka deegaanka aan lasameyney ayaanu noo suura galin qadka isgaariinta oo culus owgeed.

DF soomaaliya oo kaashaneysa saxiibadeeda ayaa bilihii lasoo dhaafey kordhisey duqeynta ay labeegsaneyso saraakiisha muhiimka u ah ee Alshabaab.