Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia oo la kulmay Madaxweynaha Uganda Musevani

0
190

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa magaalada Kampala kulan kula qaatay Madaxweynaha Dalka Uganda Uweri Museveni oo ay ka wada hadleen arimmo quseeya labada dal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada dalkan ayaa ugu horeyn waxaa hadal ka jeediyey Madaxweynaha dalka Uganda Uweri Museveni oo isagu aad u ammaanay sida ay usoo shaqeeyeen Baarlamaanka Soomaaliya mudada sanadka ah ee ay jireen iyo sidii ay horseedka ugu ahaayeen isbedellada dhanka siyaasadda ee ka dhacay Soomaaliya oo ay ugu horeysay doorashii Madaxweynaha iyo ansixintii Xukuumadda waxaana uu dhanka kale Madaxweyne Museveni heshiis taariikhi ah ku tilmaamay heshiiskii lagu mataaneeyey Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda kaasi oo ay labada Gudoomiye Baarlamaan ku kala saxiixdeen magaalada Kampala.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn Madaxweynaha Uganda gaarsiiyey Salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka uga mahad celiyey Madaxweynaha Dowladda Uganda iyo Shacabkiisa sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayey,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uga mahad
celiyey shacabka iyo Dowladda Uganda sida ay had iyo goor u garab taaaganyihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliiya.

“waxaan ka wada hadalnay arimmo farabadan oo aad muhiim ugu ah labada dowladood, ugu horeyn waxaan gaarsiiyey salaan aan ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mahad gaar ah waxaan uga celiyey anigoo ku hadlayey magaca golaha Shacabka wadashaqeynta inoo bilaabatay anaga iyo Baarlamaanka Uganda taasi oo aan labadeenaba isku waafaqnay iney wax weyn ka tari doonto wadashaqeynta Labada dal ha noqoto qibrad isdhaafsiga iyo tababarista shaqaalaha, waxaanna aad ugu rajo weynahay in heshiiskan aan wada saxiixanay labadeenna Baarlamaan inuu noqdo mid mira dhala “ ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kampala kulankaasi kadib.

Kulanka oo kusoo gebageboobay jawi aad u wanaagsan ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ku wehlinayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Danjire Sayid Axmed Sheekh Daahir.

—DHAMAAD—