Faroole “4.5 Waa Qorshe Xasan Uu Ku Doonayo In Mar kale Talada Dalka Uu Ku Soo Noqdo”

0
293

Garowe(INO)- Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ka hadlay kulamada ka socda Magaalada Garowe ee qorshahooda uu yahay in Puntland looga dhaadhiciyo qaadashada nidaamka 4.5.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa kulamo kala duwan ka wada Magaalada Garowe, iyadoo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha uu yahay in Puntland laga dhaadhiciyo inay aqbasho arinta ku aadan 4.5 oo Puntland kol hore ay ka soo horjeesatay.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu la kulmay Madaxweyne Gaas uuna u sheegay inuusan aqbalin 4.5 oo sida uu yiri wax dan ah aysan ugu jirin dadka reer Puntland.

Faroole ayaa sheegay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha uu u joogo deeganada Puntland inay tahay ka dhaadhicinta nidaamka 4.5 oo shacabka iyo Maamulkaba ay horay u diideen.

“Waan la kulmay Ra’iisul Wasaaraha maalintii Sabtida,shalayna waxaan la kulmay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi weli,waxa meesha yaala waa iska cadahay,waxaa weeye in Mawqifkii Puntland ay diiday dawlad iyo shacab laga daba tago,arrintaas ayuu u yimi,beesha caalamka cid kale kama iman.’’Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.” Ayuu yiri Faroole.

Faroole wuxuu tilmaamay mowqifkiisa inuu yahay mid uu kaga soo horjeedo 4.5, islamarkaana uu u sheegay Madaxweyne Gaas inuusan waxba iska bedelin Mowqifkiisa, hadii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

“Madaxweynaha maalintii uu tagayayna waan kulanay,shalay galabna waan balanay annigaa u tagnay,waxaan u sheegay innaan anniga Mawqifkayga aysan waxba iska badalin,wixii aan ka wada hadalnay anniga garashadayda waxay ila ahayd innaan isku Mawqif ka nahay,shalay intii ayaan ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha.”

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa nidaamka 4.5 wuxuu ku sifeeyay qorshe uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar kale inuu tallada dalka ku soo noqdo.

‘”Annagu ma qabno wax kale inay tahay,waa Ol’ole loo wado Xassan inuu Doorasho ku soo noqdo,dadka Xamar xabsiga kaga jira lacag lagu gor goriyo,waxaan u arkaa Doorasho Xamar.’’Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here