Daawo Sawiradda:Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Turkiga Oo Gaaray Muqdisho.

0
160

Waxaa goor dhow Garoonka diyaaeadaha caalamiga Aaadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ka socda Baarlamanka Turkiga kuwaas oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wefdigan ayaa waxaa horkacayey Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Saaxiibtinimada Barlamaanka  Wadanka Turkiga Mudane Haliil Urur kaas oo  soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa  Garoonka diyaaraha  Aadan Cadde kusoo dhoweeyay  dhiggiisa Soomaaliya  Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur iyo Mudaniyaal kale oo  katirsan Barlamaanka Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyaha guddigga xiriirka saaxiibtanimada Barlamaanka Wadanka Turkiga Haliil Urun ayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay booqashadan uu ku yimid magaalada muqdisho si ay u  xoojiyaan  xiriirka labada dal ee saaxibadda ah.

351213141516171819202122232425262728293031323334

Idale news Online.