Caruur Soomaaliyed oo Abaal marinta Oscar ee Hollywood-ka ku helay jilida Film ku saabsanaa burcad badeedka (Sawirro+Video)

0
191

Caruur Soomaaliyed oo walaalo ah Haaruun iyo Ali ayaa helay abaal marinta Oscars Academy award ee lagu bixiyo jilida Filimada Hollywood, kadib markii ay door wanaagsan iyo qaab jiliin lala dhacay ku soo bandhigeen Filimka ASAD ee ku saabsanaa Burcad badeedka.

Labada Jilaa oo ahaa qaxooti Soomaaliyed oo ku noolaa dalka Koofur Afrika ayaa, waxaana ay ku soo bandhigeen taariikhda saxda ah ee noloshooda, taasoo ku saabsaneyd xilli ay ahaayeen Kaluumeysato lagu qasbay inay aakhirkii noqdaan Burcad badeed.

Filimka ASAD ayaa waxaa soo saare ama Director ka ahaa ninka lagu magacaabo Bryan Buckley iyo Mino Jarjoura oo maalgeliyay ayaa caruurtan u kaxeeyay dalka Mareykanka, si ay uga qeyb galaan munaasabada Hollywood ee Rooga cas ee lagu bixinayay abaal marinta.

ASAD-Somali_film_actors_refugee-3

Filimkan oo ahaa mid sheeko gaaban ayaa waxaa uu soo jiitay caalamka, kaasoo si aad ah uga hadlayay falalka burcad badeedka, waxaana uu ka turjumayay sida saxda ah ee uu ku bilowday markii hore oo dhalinyarada Soomaaliyed ee Kaluumeysatada lagu qasbay inay burcad badeed noqdaan.

ASAD-Somali_film_actors_refugee-2

Munaasabada ka dhacday magaalada Los Angeles ayaa wiilasha Soomaaliyed ee Haaruun iyo Ali uga soo muuqdeen si cajiib ah, kadib markii lagu keenay gawaarida ugu qaalisan dunida ee nuuca kala jiidan, waxaana ay u labisnaayeen si aad u qurux badan, waxayna noqdeen xidigo durbaba adkaatay sida loola kulmo.

ASAD-Somali_film_actors_refugee-1

Hadaba filimkan ASAD ayaa ah mid ka turjumayo qisada caruur badan oo Soomaaliyeed oo la caskareeyay, kuwaasoo badaha ku yaacay waxaana filimkani uu caalamka gaarsiinayaa xaqiiqda ka jirta dalka.

[vsw id=”SO2O6hZXRwo” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Idale News Muqdisho