8 Qof Oo Ku Geeriyootay Roobab Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

0
365

Hargeysa(INO)-Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay 25 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Roobab dabayelo watay oo ka da’ay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Roobabkani ayaa saameeyay dhammmaan xaafadaha Hargeysa inkastoo xaafadaha qaar ay dhibaatadu u kala badneyd.

Guryo gaaraya 100 ayaa la xaqiijiyey inay roobabkani kusoo dumeen, waxaana sidoo kale jira Mehrado ganacsi, Iskuullo, iyo xarumo caafimaad oo dabayluhu saqafka kore kala tageen.

Khaaraha ugu badan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa sida uu sheegayo guddoomiyaha xaafaddaasi Naasir Caydiid Ibraahim.

Roobka xooggiisa ayaa da’ay gelinkii dambe ee shalay, waxaana sidoo kale roobabkani jareen waddooyin muhiim ah oo magaallada Hargeysa ku yaalla.

Isbitaalka Hargeysa waxaa la dhigay dhaawacyada dadkii kusoo waxyeelloobay guaryihii dumay, waxaana dadaallo badan wada mas’uuliyiinta Somaliland.

Habeenkii xalay ahaa qaar ka mid ah xaafadaha hargeysa waxaa laga jaray guud ahaan korontadii kadib markii xargihii (Fiilooyin) korontad geyn jiray halkaasi ay jarmeen (go’een).

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay