Madaxweyne Xassan Sheikh oo ka hadlay qaabka ay u shaqeysay muddo Sanad kadib xukuumadiisu

0
161

images

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo hal sano ah u buuxsantay xilligii loo doortay Madaxweynenimada ayaa ka hadlay waxqabadka dowladiisa mudada halka sano jirsatay.

Madaxweyne Xasan oo u waramayay warbaahinta afka Dowladda ku hadasha ayaa sheegay in dowladiisu ku guuleysatay howlo fara badan oo aanay horay u soo qabanin Dowladihii horay dalka u soo maray 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in markii ugu horeysay dowladiisa ay hirgelisay mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee ka howlgala xafiisyada kala duwan ee maamulka dowliga ah, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo lagu farxo oo astaanna u ah heykalkii dowladnimo ee uu dalku lahaa inuu soo laabanayo.

“Heshiiskii Addis Ababa wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladda Federaalka iyo dhinaca Axmed Madoobe ay muujiyeen tanaasul, wuxuuna Madaxweynuhu xusay inay sii wadi doonaan sidii heshiiskaasi uu miradhal u noqon lahaa.

Madaxweynaha oo su’aalo uga jawaabayay dhageystayaal iyo daawadayaal kala xiriirayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladiisu soo celineyso markii ugu horeysay waxbarasho lacag la’aan ah inay dalka ka hirgeliso.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xukuumadii mudadii halka sano ah ee ay jirtay ay qabatay shirar kala duwan sida shirkii garsoorka dalka, isagoo xusay in sidoo kale ay dalka ku qabaneyso shirweyne ku saabsan siyaasadda dalka.

Idale News Muqdisho