Eng. Salah Sheikh Cusman waa aqoonyahan Soomaali ah kana soo jeeda Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeelada Hoose, deg. Afgooye. Waxuu ka dhashay qoys ahlu diin ah oo door wayne ka soo qaatay daryeelka diinta, dadka iyo dalka. Waxuu leeyahay xaas iyo lix caruur. Waxuu ku hadla luuqadaha Somali, (Maay iyo Mahaateri), Carabi, Ingiriis, Talyaani iyo Dajka.
Inj. Salah Sheikh Cusman waa siyaasi ka soo shaqayey hay’ado kala duwan gudaha wadanka iyo dibeda, waxuuna leeyahay waay-aragnimo ama khibrad maamul, maareynta, hogaanka, horumariinta adeega bulshada, gurmadka deg-deg, xalinta dhibaatooyinka, iyo wax-soosaarka khyraadka.
Labaantankii sano la soo dhaafay waxuu door wax ku ool ah ka soo qaatay xalinta dhibaatooyinka ka jira Soomaali, xaga siyaasad, nabadgalyada, xisiloonida iyo mashaaric kala duwan adeega guud ee bulshada (Dejinta qaxootiga, wax-barashada, wax-soosaarka beeraha, xanaanada xoolaha, caafimaadka, iyo biyaha) iyo guud ahaan dib udhiska iyo horumarka wadanka.
Inj. Salah Sheikh, waxuu ka qayb galay dhowr shirar caalimi ah, waxuuna xiriiri wanaagsan la leeyahay caalamka, gaar ahaan wadamada Urub, Carabta iyo Afrika. Waxuuna horey ula soo kulmay dhowr madax iyo saraakiil sare ee dowladaha aduunka oo aye ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolada koonfur galbeed Soomaaliya.
Inj. Salah Sheikh Cusman waa shaqsi howl-karo ah oo jacel nabada iyo cadaalada, aaminsan wada-tashi, wada-shaqayn iyo kala-dambayn, waxuu ka soo horjeeda musuq-maasuqa iyo qabyaalada. Waa shaqsi dulqaad badan, kuna wanaagsan dhagaysiga, hogaanka, daryeelka danta guud iyo danaha dadka iyo dalka.
Inj. Salah Sheikh waa musharaxa ku haboon Madaxtinimada Dowladd Goboleedka Koonfur Soomaaliya, kana soo bixi karo xilka iyo waajibaadka saaraan. Fadlan codkaaga sii.
“Daryeel Diintaaada, Dadkaada, Dalkaada, iyo Deegaankaada”.
Idale News online