Booliska St. Paul ayaa soo dhoweeyay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo ka mid noqota saraakiisha ciidamada Booliska.
Khadra Maxamed oo ka soo qalin jebisay dugsiga sare sanadkii 2010kii ayaa loo xiray calaamada ciidamada Booliska dalka Maraykanka ay caanka ku yihiin. Gabadhan oo 21 jir ah ayaa waxa ay waxbarashadeedii hoose ku soo qaadatay dalka Kenya waxayna sheegtay in riyadeedii ay u rumowday ayna jeceshahay in ay si wanaagsan ugu shaqeyso bulshadeeda.
Khadra ayaa waxa ay ka soo qalinjebin doontaa bisha May ee sanadkan machad lagu barto cadaalada ee St, Cloud State.
Sababta aan halkan u jooga waa fikrad madaxayga ku jirtay, dadaal weyn ayaan u galay sidii aan riyadayda uga dhabayn lahaa,”ayay tiri Khadra. St. Paul ayaa ah halka kaliya ee gobolka Minnesota ee gabar Soomaaliyeed ay ka howlgasho. Waxaana gabadhan loo oggolaaday in ay xirato xijaab inta ay howsheeda ku jirto.
“Dhaqanka Soomaalida ma aha in gabdhuhu ay noqdaan askar”ayay tiri Khadra. St. Paul police ayaa dadaal dheer ugu jiray sidii ay u qoran lahaayeen bulshada Maraykanka ee asalkoodii hore ahaa Soomaali tan iyo sanadkii 2004tii. Garaad Sahal ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee asalkiisa ahaa Soomaali oo ku biira ciidamada Booliska dhamaadkii sanadkii 2012dii.
Khadra Maxamed ayaa ku soo barbaartay St, Paul West Side iyadoo hooyadeed ka soo carartay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya. Waxayna hooyaded ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee ku jiray xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Idale News Online Mogadishu