Muqdisho(INO)-Munaasabad lagu xusayay Aaska 50 Sano guuradii kasoo wareegatay Aasaaska Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday Xarunta Ciidamada Badda ee Suganta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Badda, Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga, Ciidamada Milatariga Indho Qarhshe, Abaanduulaha, Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Taliyaha Ciidamada Badda Admiral Maadeey Nuuroow Sheekh Ufuroow ayaa sheegay in hada ay heystaan Ciidamo iyo doomo awood u leh inay ilaaliyaan ilaa xad badda Soomaaliya.
Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xaamud iyo Saraakiisha kale ayaa ku amaanay Ciidamada dadaalka, iyaga oo xusay ahmiyada ay leedahay in la helo Ciidamo awood u leh ilaalinta Xeebaha Soomaaliya.
Ciidamada la baxay ladagaalanka burcad badeeda ayaa ku sugan Xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo loo arko inay ka faa’ideysanayaan qeyraadka badda Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.