Xoolo Saaka Dekada Muqdisho laga Dhoofiyey

0
482

Muqdisho(INO)-Waxa Saaka Dekada Magaalada Muqdisho laga dhoofiyey Xoolo Nool kuwaasi oo mid ka mid ah Waddamada Khaleejka Carabta ay soo dalbadeen.

XOOLO

Markabka NV Golden Sky ayaa 1000 Neef oo Xoolo ah waxa uu uqaaday Dalka Cumaan iyadoona caafimaad ahaan Xoolahaasi la hubiyey ka hor inta aan la dhoofin.

Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Qandaraaskaan ku qaadanaya dhoofinta Xoolahaan oo lagu magacaabo C/waaxid ayaa sheegay inay soo noolaanayaan Xoolihii laga keeni jiray Gobollada Dalka Soomaaliya ee la dhoofin jiray. 

Wasiirkii Hore Ee Xaananada Xoolaha  Saalim Caliyoow Ibroow ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dib usoo laabashada dhoofinta Xoolaha Nool ee Soomaaliya laga qaadi jiray.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in ay wasaaradiisu ku dadaali doonto la socodka Xoolaha Nool ee Soomaaliya lagu xanaaneeyo.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here