Xoolo Dhaqato Ku Nool Gobolka Jubada Hoose Oo Soo Bandhigay Dhibaato Loo Geystay

0
233

Yontooy(INO)-Iyadoo weli diyaaradaha dagaalka dalka mareykanka iyo kenya ay sii wadaan duqeymada ay ka filineyaan dalka soomaaliya ayaa waxaa soo baxayo cabashooyin ka soo yeereya  dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool gobolka jubbada hoose.

Gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waxaa ku soo noq-noqday weeraro a y fulinayaan diyaaarado dagaal kuwaa oo laga leeyahay wadamo kala duwan, isla markaana si ba’an u gaaracayo saldhigyada kooxda Al-shabab iyo Goob kale.

Gobolka jubada hoose waxa uu  ka mid ah meelaha weeradaasi laga geysatay dhowr jeer oo hore kuwaa oo saameyn xoogan ku yeeshay shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Inta u dhexaysa deegaanada Buulo gaduud iyo yoontow  waxaa halkaa laga fuliyay duqeyn culus taa oo la sheegay inay geysteen diyaarado dagaalo lagana lahaa dalka Mareykanka Iyo weliba dowlada kenya.

Sida dadka deegaanadaasi ay u sheegeen Warbaahinta Gudaha Dalka  gantaalo ay tuureen diyaaradahaasi, ayaa waxa ay haleeleen goobo ay daganaayeen shacab waxaana ay galaafteen nolosha xoolo fara badan.

Maadeey  Xuseen Caliyow waxa uu ka mid yahay dadka ku nool deegaanadaasi waxa uuna Warbaahinta u sheegay in xoolo uu la lahaa ay ku dhinteen madaafiic ay tureen diyaaradahaasi.

Dhanka kale Madeey Xuseen Caliyow  ayaa waxa uu cabasho ka muujiyay ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika  AMOSN ee ka howl gala gudaha soomaaliya kuwaa oo uu sheegay inay in ay dilal u geystaan dadka shacabka iyo weliba Cabsi galin joogto ah.

Ugu Dambeyntii  duqeymaha ay geystaan diyaarada dagaalka mareykanka iyo Kenya  ayaa saameyn xoogan waxa ay ku yeeshaan shacabka ku sugan deegaanada markaa weerada ay ka geystaan diyaaradahaasi.

Idale News Online,Yontooy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here