Xoogaga Mayalka Adag Ee Al Shabaab oo weerar ku qaaday Ciidanka Dawlada ee Baraawe

0
174

Ururka Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in ay weerar xoogan ku qaadeen fariisin ciidanka Dawlada Soomaliya ku leeyihiin Deegaanka Ambareesa ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Al Shabaab waxay sheegeen in khasaaro Xoogan ay ugu geysteen weerarkaasi Askar katirsan Dawlada inkastoo tiro ahaan aysan sheegin khasaaraha inta uu la eg yahay.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baraawe Shaacir Cabdi Cilmi ayaa warbaahinta usheegay in ay been abuur tahay wararka sheegaya in Shabaabku ay weerar ku qaadeen deegaanka Ambareesa ee duleedka Baraawe kutaalla.

Al Shabaab ayaa waxa lagala wareegay Bishaan bilowgeedii Degmada Baraawe oo ahayd meeshii ay ugu xooganaayeen Gobollada Dalka Soomaaliya iyagoo weeraro kudhufo oo ka dhaqaaq ah ka sameeya meelihii laga saaray Gobolka Shabellaha Hoose.

alshabaabBaraawera

Idale News Online, Baraawe