Awdheegle(INO)-Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa maanta waxay qafaasheen Nabadoon Xasan Nuur Cali, oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolada Koonfureed Somaliya.
Nabadoon Xasan Nuur Cali oo si weyn looga garanaayay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay Shabaabku gacanta ku dhigeen, xilli maanta ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanadaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa waxa uu dhaliilay afduubka ay Shabaabku kula kaceen Oday Dhaqameedka.
“Waan ka xunahay waxay maanta nabadiidka qafaasheen Nabadoon Xasan Nuur Caliyow, oo ahaa Suldaankii deegaanka. Waxay ka wateen gurigiisa markii ay weerareen.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha, ayaa xaqiijiyay inaanay garanayn halka lala aaday Nabadoonka, isla-markaana wuxuu qafaalkiisu uu ku sheegay mid ka turjumeysa dhibaatada ay bulshada ku hayaan.
“Ilaa iyo hadda mala yaqaano meesha ay la taggeen Suldaanka. Inay afduubtaan Suldaanka waxay muujineysaa dhibaatada ay nabadiidku ku hayaan shacabka Somaliyeed.” Ayuu yiri C/qaadir Maxamed Nuur.
Siidii oo caawa la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa ku waramaaya in dagaalkii maanta Shabaabka looga dilay in ka badan 20 askari, ha yeeshee ma sheegin khasaaraha ka soo gaaray Ciidanka Xooga Dalka.
Ciidanka Xooga, ayaa deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak dib ula wareegay maanta, xilli aysan la socon Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya.
Idale News Online, Awdheegle.