XOG: Waa maxay sababta ay Wasiirada tirada badan Baydhabo Janaay u tageen?

0
213

 Baydhaba Janaay: Ka dib markii maalintii Shalay eheyd ay magaalada Baydhaba gaareen xubno ka tirsan Wasiirada DF Somalia iyo Xildhibaano ayaa waxaa soo baxaya sababaha ay halkaas ku tageen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdigaan ay gogol xaar u yihiin safar lagu wado in magaalada Baydhaba saacadaha soo socda uu ku gaaro Mas’uul ka tirsan Madaxda  DF Soomaaliya oo aan la shaacin

Si kastaba Mas’uulkaas ayaa sababaha uu Baydhabo u tagaayo waxa ay tahay isaga oo doonayo in odayaasha ku shirsan Baydhaba uu ku qalqaaliyo in sadax goabal oo quro in ay maamul u sameeyaan iyaga oo ka tagaayo gobolada ay Dowladda horay ugu magacaawday maamul.

Si kastaba xubnahaas Wasiirada ayaa waxa ay ka shaqeenayaan dhanka Ammaanka iyo halkii uu tagi lahaa Mas’uulkaas inta uu joogo magaalada Baydhabo Janaay.
saalim caliyow
Idale News Online,Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here