XOG: Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Oo DFS Isku Dhiibi Doona

0
1870

Baydhabo(INO)- Xog cusub oo ay heshay Shabakadda IdaleNews.com ayaa waxay sheegaysaa in Sarkaal Al-shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu damacsan yahay in DFS uu isku dhiibo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo kaashanaya Odayaal dhaqameed ayaa la sheegay in ay wada hadleen Odayga oo ku sugan deegaanno ku yaalla aay, islamarkaana ay arrimo wax isla meel dhigeen.

Wararku waxay sheegayaan in Mukhtaar laga dhaadhiciyey in gacanta DFS soo galo islamarkaana amnigiisa la ballanqaadayo isagana aan dhibaato loo geysan doonin.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in maalmaha soo aadan ay xubno Odayaal dhaqameed ah tagi doonaan halka uu ku sugan yahay Roobow si ay arrimaha uga soo jilciyaan.

Idale News Online, Baydhabo