Xog laga helay kulan la sheegey inuu dhexmarey Gudoomiyha Baarlamka Soomaaliya Md Prof. Maxamed sh. Cimaan jawaarey iyo Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya EE 6da gobol ayaa sheegaya in labada maamul Ee Iska Soo horjeedo midka lixda gobol iyo kan sedaxda gobol la mideyn doono, Dhawaan.
Kulankan oo maanta dhexmarey Prof. jawaarey iyo Maamulka 6da gobol ayaa loogu soo sheegay in maamulada isku dhegan islamarkaana khilaaf ba’an hareey ee koonfurgalbeed soomaaliya la mideyn doono.
Sida la sheegayo waxa Maalinta beri ah ayaa lagu wada in gudi ka kooban labada dhinac ah la sameeyn doono , kuwaasoo la sheegay inay ka wada hadli doonaan sidii loo dooran lahaa madaxweyne hogaamiya maamul 3da gobol oo keliya ah.
Xogtaan ayaa Shabkadda Idale News Online u xaqiijiyay mid ka mid ah xubnaha ka tirsan maamulka lixda gobo uu hogaamiyo Md madoobe Nuunow Maxamed , waxaana xogta intaasi ku dareysa in labadii maalin Ee loo soo qabtey inay gudiyada lagu soo dhiso islamarkaana wadahadalooda ay soo gebi gebeeyaan.