Xisbiyada AK Party & CHP ee dalka Turkey oo dagaal gacan ka hadal ah ku dhexmarey gudaha barlamaanka dalkaasi

0
195

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa xalay dood adag oo dheer ka yeeshay hindise Xukumada Raysulwasaare Dayip Erdogan soo hordhigtay oo ahaa in maxkamadaha iyo xeer ilaaliyaasha la hoos kayno wasaarada cadaalada.

Ansixintii hindise sharciyeedkan ayaa waxaa ka dhashay dagaal gacma la iskula tagay oo u dhaxeeyay xildhibaanada xisbiga mucaaradka ee CHP oo hindisaha kasoo horjeeday iyo xisbiga talada haya ee AK party oo leh aqlibiyada Baarlamaanka.

Dagaalkii ka dhex dhashay xildhibaanada ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la shaaciyay 2 xildhibaan oo midna sanka la jabiyay midna faraha.Xildhibaanka sanka la jabiyay ayaa wuxuu kamid yahay xisbiga mucaaradka halka faraha la jabiyay uu kasoo jeedo xisbiga talada haya ee AK party.

Raysulwasaare Dayip Erdogan ayaa bilihii u dambeeyay waday dib uhabayn ku waday Booliska dalka oo baaritaan musuq maasuq oo aysan dowladu ogayn ku sameeyay qaar kamida wiilal ay dhalayn wasiiro ka tirsanaa xukumada oo markii dambe is casilay.

Raysulwasaare Erdogan ayaa baaritaankan ku tilmaamay mid ay ka dambeeyaan gacma shisheeye laguna doonayo in magaca looga dilo xukumadiisa.

Raysulwasaare Erdogan wuxuu markaa kadib isbadal ku sameeyay madaxda sare ee Booliska.

Raysulwasaare Erdogan ayaa waxay siyaasada dalka isku hayaan siyaasi kunool dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Fethullah Gulen oo sida la sheegay taageero badan ku dhex leh Booliska iyo maxkamadaha dalka.