Muqdisho(INO)-Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaanada qaar ay caqabad ka heysato galida Xarunta Madaxtooyada Somalia iyo Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia.
Xildhibaankaani oo ka gaabsaday madaciisa sababo jiro awgeed ayaa sheegay in tiro Xildhibaano ah ay ku adag tahay inay galaan Villa Somalia, isagoona sheegay in ilaa iyo hada uusan ogeyn sababta ka dambeysay in laga hor istaago.
Waxa uu tilmaamay inay gaarayaan ilaa 12-Xildhibaan kuwa laga hor istaagay Villa Somalia, waxa uuna taasi ku micneeyay mid lagu midab takooraayo xildhibaanada qaar bacdamaa ay tiradaasi loo diiday xarunta ay kamid ahaayen garabka Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia, iminka qaarkood ay ka tirsan yihiin Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Somalia.
Idale News Online, Muqdisho