Xildhibaano Ka Tirsan BFS Oo Wada Mooshin ka Dhan Ah Madaxweyne Xasan

0
274

Muqdisho(INO)-Warar hoose oo ay heshay Idale News Online ayaa sheegaya, in qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka DF ay hada bilaabeen Saxiixida Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

xasan sheekh

Xildhibaanadan wada kacdoonka ka dhanka ah Madaxweynaha, ayaa waxay sheegeen in Madaxweynaha uu ku tuntay qodobo kamid ah Dasuurka KMG, islamarkaasna uu adeegsaday awoodo xad dhaaf ah oo uusan Dastuurka u ogolaan.

Xildhibaanada Saxiixay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, ayaa isugu jira kuwo horay u diidanaa siyaasada Madaxweynaha iyo kuwo cusub, waxaana wararku ay sidoo kale sheegayaan in kalfadhiga 6-aad ee Baarlamanka uu noqon doono mid Mooshin miiran ah.

Xildhibaanada ugu cad cad ee Mooshinka wada waxaa kamid ah, Xildhibaan Xoosh-Jibriil & Daahir Amiin Jeesoow, Xildhibaanadan ayaa ka gadoodsan habdhaqanka Madaxweynaha uu ula macaamilay maamulada Juballand iyo Puntland.

Ugu dambeyntiiWaxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu horay uga bad baaday dhowr mooshin oo ay soo abaabuleen Xildhibaano ku kacsan siyaasadiida, kadib markii uu adeegsaday kala fur furida Xildhibaanada iyadoo loo adeegsaday dhaqaalo iyo laaluush.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here