Ceelberde(INO)- War goordhow naga soo gaaray Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan BFS ay abaabul dagaal kawadaan Deegaano hoostaga Gobolka Bakool.
Xildhibaanadaani oo ay kamid yihiin C/wahaab Ugaas Xuseen iyo Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ku sugan Gobolka Bakool, ayaa waxa ay wadaan abaabul ay kaga soo horjeedan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaanadaasi ayaa iminka kulmineysa Maleeshiyaad ku kala sugan deegaanada Ato, Yed iyo Ceelbarde oo hoostaga Gobolka Bakool.
Maleeshiyaadka oo dhowr deegaan laga soo kala uruurinaayo ayaa waxaa lagu diyaarinayaa Degaanada Ato iyo Degmada Ceelbarde, waxaana mar waliba suuragal ah in halkaasi ay isku arkaan maleeshiyaadka la abaabulaayo iyo Ciidamada Dawaariishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Abaabulkaani socda ayaa ka dhashay dhismaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa ayna Xildhibaanadaasi ku doodayaan in Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan uu u kala eexday beelaha halkaasi wadadaga.
Mas’uuliyiinta abaabulka wada ayaa waxaa kamid ah Wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland oo si KMG ah xilkaasi usii hayo iyo Xildhibaano iminka ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi, waxa ayna arrintu u muuqaneysaa mid heer beel faraha la galidoonta.
Sidoo kale, mas’uuliyiintaani abaabulka wada ayaa ku taamaya in Gobolka Bakool ay ka hirgaliyaan Siyaasada maamulka Jubbaland ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe, inkastoo uu arrinkaasi kasoo horjeedo Shariif Xassan.
Si kastaba ha ahaatee waxaan la saadaalinkarin sida ay xaaladu noqon doonto, waxaana jira cabsiyo ku aadan in halkaasi ay ka dhacaan Colaado lagu carqaladeynaayo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Ceelberde