Muqdisho(INO)- Ergayga gaarka ah ee QM sida KMG ah ugu qaabilsan Somalia Nicholas Kay, ayaa oo ka hadlaayay heshiisyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka digay in waxkama jiraan laga dhigo heshiisyadaasi.
Nicholas Kay, ayaa sheegay in xiliga la joogo ay Beesha caalamka la dhacsan tahay hanaanka bilowga ah oo Soomaalida ay dhexdooda ku xalineyso khilaafaadka ka dhextaagan, waxa uuna sheegay in walaaca ugu badan ee QM heysta uu yahay in dhinac kamid ah dhinacyadii heshiiyay ay baalmaraan heshiiska.
Kay waxa uu Tilmaamay in QM ay dhiiri galineyso hanaanka ay Soomaalida uga gudbayaan nidaamka 4.5, waxa uuna sheegay in caalamka oo idil ay dani ugu jirto in Somalia ay hesho xasilooni dhanka Siyaasada, amaanka iyo is adeecida.
Waxa uu DFS u gubaaqay inay xoojiso qorshaha lagu hirgalinaayo qodobadii kasoo baxay shirka wadatashiga, waxa uuna ka digay in Dowladu ay burburiso qodobadaasi ama ay ku dhaqaaqdo wakhti kororsi waxa uuna cod dheer ku sheegay in labadaasi qodob aysan afka ka qabsan doonin Beesha caalamka.
Mr Kay waxa uu carab dhabay in wadamadooda ay uga soo safreen kaliya sida Somalia looga hirgalin lahaa Nabad iyo Xasilooni waxa uuna DFS ku amaanay sida wakhti waliba ay heeganka ugu jirto helida xal dhex dhexaad ah oo mideynkara Somalia.
Dhanka kale, Kay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in DFS ay si wanaagsan ula tacaamuli doonto wakiilka cusub ay QM usoo magacaabatay Somalia, waxa uuna tilmaamay inuu ka rajeynaayo fulinta howlo hormarineed oo ka duwan howlihii uu qabtay.
Idale News Online, Muqdisho