Xildhibaano ka soo jeeda lixda gobol ee KG Somalia & Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia oo Baydhabo ku wajahan dhowaan

0
157

Wafdi hordhac ah oo isugu jira xildhibaano iyo siyaasiyiin  uu horkacaayo Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa gaarey xarunta shirka maamul goboleedka Koonfur Galbeed (KG) Somalia ee Baydhabo, waxaana wafdiga si weyn ugu soo dhaweeyay waxgaradka ku shiraya degmadaas iyo xubno ka tisran mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada.

Wafdiga Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ay gogol xaar u yihiin baaqasho dhowaan la filaayo in gobolka ku yimaadaan wafuud caalami ah iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee qaranka, isagoo  sidoo kale ujeedada safarkooda ku tilmaamey dhameystirka shir in muddo ah ka socdey magaalada Baydhabo ee lagu dhisaayo maamulka KG Somalia.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey magaalada Baydhabo soo gaaraayey  wafuud isdaba jooga ee ka kala socotay beesha caalamka iyo dowlada federaalka Soomaaliya kuwaasoo u kuurgalaayay qaabka uu shirka u socda, iyagoo sidoo kalena kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ergooyinka lixda gobol ka kala yimid, waxay ergada gebi ahaantoodba u muujiyeen wafuuda sida ay uga midaysan yihiin isla markaasna raali uga yihiin hab-u-socodka shirka.

Safiirka dalka Ingiriirka ee Soomaaliya oo isugu ka mid ahaa wafuudii tagtey gobolka ayaa taageero u muujiyey shirka iyo isagoo sidoo kale balanqaadey taageero dhinaca dib u dhiska inuu ka geysan doono gobolada la isku yiraahdo Koonfur Galbeed Somalia.

adan2

Warar lagu kalsoon yahay oo warbaahinta Idale News Online  heshay ayaa sheegaaya in  maalmo kooban gudahood la filaayo in magaalada Baydhabo gaaraan af-hayeenka barlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari iyo xildhibaano aad u tiro badan oo ka soo kala jeeda beelaha ku abtirsada deegaanada maamulkaas ka kooban yahay.

Booqashada gudoomiyaha barlamaanka, xildhibaanada iyo siyaasiinta la filaayo in Baydhaba gaaaraan ayaan si rasmi ah loo shaacin ujeedada safarkooda hase ahaate waxaa la rumaysan yahay in ay daba socdo kulamadii wadatashiga ahaa ee dhamaadkii bishii september yeesheen qeybaha kala duwan ee ergooyinka shirka maamul goboleedka KG iyo Prof Jawaari.

Idale News Online